3 MAY 2012 | Mogadishu , Somalia
Today Minister Abdisamad Maalim Mohamud of the Somalia Ministry of Interior and National Security officially launched the Mogadishu Stabilization Plan, a partnership with the U.S. Agency for International Development (USAID) and the U.K. Department for International Development (DFID) supported by $9.5 million of U.S. and UK funding.
Transition Federal Government (TFG) officials from the national, regional, and district authorities have been working with peace committees from each of the 16 Districts of Mogadishu to design in-kind community projects. Supported by USAID and DFID and called by Somalis “Dan Guud” (“In the public interest”), the projects are designed to promote stabilization and reconciliation.
These projects are part of USAID, DFID, and TFG cooperation on stabilization activities, to promote district level consensus building through the development of district-level, quick-impact projects. Activities are chosen by District Peace Committees and community members through consensus, and may include road clearance, street lighting, building rehabilitation, or community events.
“We see the Dan Guud Program as the most ambitious project to be implemented in Mogadishu in recent times… The Somali government is encouraged by the efforts of USAID and DFID and it is grateful for the funds. We hope to see this type of programming outside of Mogadishu in the near future,” said Minister Abdisamad Maalim Mohamud.
“On behalf of the people of Mogadishu, I’d like to sincerely thank USAID and DFID for the different projects it is funding in districts of Mogadishu. I’m sure that Dan Guud… will help the city rise from the ashes,” said the Mayor of Mogadishu, Mohamud Ahmed Nur.
In partnership with the Somali people, USAID has provided more than $300 million in assistance since 2011 to support humanitarian needs, peace, and recovery. DFID’s aid programme in Somalia plans to spend an average of £69 million per year until 2015, promoting longer-term stability and directly improving the lives of poor Somalis. Both nations believe in the Somali people and the future of stability in Somalia.
For more information please contact:
Angela Yoder-Maina, TIS Program Manager, ayoder-maina@usaid.gov
Matt Goshko, Public Affairs Officer, goshkoME@state.gov
[Muqdisho]: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Md. Cabdi-Samad Macallin Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey Barnaamijka Xasilinta Muqdisho oo ay iska kaashanayaan hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Mareykanka (USAID) iyo hay’adda dalka Ingiriiska (UK) u qaabilsan horumarinta dibedda ee (DFID), iyadoo barnaamijkaasna lagu taageerayo $9.5 malyuun oo ah deeq ka timid dawladaha Mareykanka iyo UK.
Saraakiisha Dawladda Federaalka KMG ah oo isugu jiray kuwa heer qaran, gobol iyo madaxda degmooyinka ayaa la shaqeynayey Gudiyada Nabadda ee 16-ka degmo ee Muqdisho si ay u soo diyaariyaan mashaariic bulshada loo hirgelinayo. Mashaariicdaas oo ay taageerayaan USAID iyo DFID, Soomaaliduna ay u bixisey “Dan Guud”, waxaa loogu talo galay inay sare u qaadaan xasilinta iyo dib u heshiisinta.
Mashaariicdani waxa ay qayb ka yihiin iskaashiga u dhexeeya USAID, DFID iyo TFG-da ee hawlaha xasilinta, si loo dhiirrigeliyo dhisidda aragti-mideysan oo heer degmo ah oo loo marayo horumarinta heer degmo ee mashaariic saameyn deg-deg ah abuuri kara. Hawlaha la qabanayo waxaa soo doortey iyadoo heshiis lagu yahay Guddiyada Nabada Degmooyinka iyo xubnihii ka socday bulshada, waxayna isugu jiri karaan bannaynta wadooyinka xirmey, iftiiminta waddooyinka, dhisid iyo dayactir, ama munaasabadaha bulshada.
“Waxaan u aragnaa barnaamijka Dan Guud inuu yahay mashruuca loogu han-weyn yahay ee muddooyinkii dhowaa laga hirgeliyo Muqdisho… Dawladda Soomaaliyeed yidiiilo ayey u tahay dadaalka USAID iyo DFID waana ay ka mahad naqaysaa deeqdaas. Waxaan filaynaa inaan aragno mustaqbalka dhow barnaamijyo caynkan oo kale ah oo laga fuliyo dibedda Muqdisho,” ayuu yiri wasiir Cabdisamad Macallin Maxamuud.
“Anigoo ku hadlaya magaca dadka Muqdisho, waxaan jeclaan lahaa inaan si kal iyo laab ah ugu mahadnaqo USAID iyo DFID mashaariicda kala duwan ee degmooyinka Muqdisho oo ay maalgelinayaan. “Waxaan hubaa in Dan Guud ay ka caawin doonto magaaladu sidii ay uga kici lahayd dambaska ,” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur.
USAID iyadoo garabsanaysa dadka Soomaaliyeed waxay inka badan $300 oo malyuun oo gargaar ah bixisey tan iyo sanadkii 2011-ka si loo caawiyo baahida dhinacyada gargaarka, nabadda, iyo soo-kabsashada. Barnaamijka DFID ee gargaarka Soomaaliya waxa uu qorsheynayaa inuu ku qarash-gareeyo cel-celis ahaan sanadkiiba £69 Malyuun oo lacagta Ingiriiskatan iyo sanadka 2015-ka, taasi oo dhiirri-gelinaysa xasiloonida mudada fog isla markaana si toos ah u horumarinaysa nolosha dadka saboolka ah ee Soomaaliyeed. Labada dalba waxa ay aaminsan yihiin dadka Soomaaliyeed iyo mustaqbalka xasiloonida Soomaaliya.
Wixii faahfaahi dheeri ah fadlan kala xiriir:
Angela Yoder-Maina, TIS Program Manager, ayoder-maina@usaid.gov
Matt Goshko, Public Affairs Officer, goshkoME@state.gov.